Somaliland oo khilaaf wajahaysa iyo Siyaasi Galeyr oo ka tagey Hargeysa.

Waxaa maalin ka hor magaalada Hargeysa ka dhoofey Siyaasi Cali Khaliif Galeyr oo bilihii lasoo dhaafey wada hadal kula jirey maamulka Somaliland ka dib isku soo dhawaansho dhexmarey hogaankii Khaatumo iyo Madaxtooyadda Hargeysa ka hor intii aan Somaliland loo dooran Madaxweyne  Muuse Biixi.

Wararka PUNTLAND POST ka helayso magaalada Hargeysa ayaa sheegaya maalin ka hor inuu ka duulay Garoonka Diyaaradaha Egal Siyaasi Cali Khaliif Galeyr oo muddo ka dib kusii jeeda dalka Mareykanka oo uu dhalasho ka haysto.

Socdaalka Mudane Galeyr ayaa kusoo beegmaya xilli la hadal hayo inay fashil kusoo dhamaadeen shirar iyo kulamo wacyigalin ah oo uu todobaadkii horre u tagey deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Dr Galeyr oo salaamaya Taliye Mahad Cambaashe

Siyaasi Cali Khaliif Galeyr oo maalmo ka hor gaarey magaalada Laascaanood oo uusan muddo dheer cag soo dhigin ayaa ka gaabsadey inuu la hadlo Warbaahinta, wuxuuna 2 cisho ka dib ku laabtey magaalada Hargeysa oo uu kasoo bilaabay socdaalkii uu ku yimid Sool iyo Laascaanood, Isagoona maalin ka dib Hargeysa uu uga sii gudbay dalka Mareykanka.

Si rasmiya looma oga natiijada ay kala soo kulmeen  waftiga Siyaasi Galeyr kulamo iyo shirar dhexmarey qeybaha kala duwan ee bulshada, wallow ilo wareedyo madax banaan oo soo gaaraya warbaahinta ay sheegayaan inaysan jirin wax natiijo ah ay halkaas kala noqdeen.

KHILAAFKA CIIDANKA TUKORAQ.

Dhinaca kale wararka laga helayo Madaxtooyadda Hargeysa ayaa sheegaya tuhun gudaha oo ka dhex jira saraakiisha ciidamada Somaliland ee ku sugan jiida ka dib qabsashadii magaalada Tuko raq oo 70 KM u jirta magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Taliye Mahad iyo Saraakiisha Jiida.

Mahad Cambaashe oo muddo dheer ahaa sarkaalka ugu sareeya ciidamada Somaliland ee Gobolka Sool ayaa wararku sheegayaan jiritaanka khilaaf soo kala dhexgalay saraakiil ka tirsan maamulka Somaliland tan iyo intii ka dambeysay maalintii Ciidamada Somaliland la wareegeen gacan ku haynta kastamka Tuko raq.

Wariye diidey inay magaciisa shaaciso Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegay Korneyl Mahad Cambaashe iyo Ciidamo ka amar qaadanaya oo kasoo laabtey Tuko raq inay kusoo ruqaansadeen fariisimo horre oo ay ku lahaayeen duleedka magaalada Laascaanood.

Sidoo kale dadka qaar la socda dhaq dhaqaaqa Somaliland ka wado Gobolka Sool ayaa ku sababeynaya khilaafka saraakiisha mid ay sahlan tahay in xal laga gaaro islamarkaana tani aysan waxba ka bedeli doonin duulaankii labo todobaad ka hor Somaliland ku qabsatey magaalada Tuko raq oo ay iminka isku horfadhiyaan ciidamo xoog leh oo ka amar qaadanaya maamulka Puntland.

Dirirta Qabaa,ilka.

Waxaa ka mid ah khilaafyadda waaweyn ee ka muuqda gudaha Somaliland dirir culus oo u dhaxaysa labo beelood oo walaalo ah oo maalmo ka hor dagaalo aad u qaraar oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ku dhexmaray deegaano ka tirsan Waqooyiga Gobolka Sanaag.

Salaadiinta beelaha diriraya ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Somaliland inay qeyb ka tahay dagaalka qabaa,ilka kasoo jeeda Gobolladda Togdheer iyo Awdal , waxaana jira Issimo lagu xirey magaalada Hargeysa ka dib markay shaaciyeen aragti ka duwan duulaankii Somaliland ku qaadey  Maamulka dariska la ah ee Puntland.

Shacabka iyo Siyaasiinta Somaliland ayaa xilligan si weyn ugu kala aragti duwan siyaasadda cusub ee Madaxweynaha dhawaan la doortey Muuse Biixi, oo 45 cisho ka dib maalintii la doortey xiisado ugub ah ka bilowdeen gudaha Somaliland iyo xadka ay la wadaagaan Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST