Labo Qarax oo Qasaare Geeystay oo ka dhacay Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi caawa ay ka dhaceen labo qarax uu qasaare geeystay.

Qaraxyadaan oo ahaa Bambada gacanta laga tuuro ayaa lagu tuuray Xarunta ciidamada Taraafikada ee Magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in ilaa inta hadda la xaqiijiyay uu qaraxaasi ku dhintay hal qof halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Qasaaraha ayaa laga yaabaa in uu intaasi ka badanyahay maadaama xiliga uu yahay habeen islamarkaasina aan si dhab ah loo ogaan karin qasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Ciidamada amaanka ayaa soo gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay kuwaasi oo howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo ka sameeyay.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo qasaare geeysta kuwaasi oo inta badan xiliyada habeenkii ah dhaca.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post