Shirkii lagu Dhameystirayay Heshiiskii Ahlu-sunna iyo Galmudug oo ka Furmay Dhuuso-mareeb

Dhuuso-mareeb (PP) ─ Waxa magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta maamulka Galmudug ka furmay goor-dhaw shir lagu dhameystir heshiisyadii ay horay u gaareen maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, waxaana goob-joog ka ah madaxweynaha Dowladda Federaalka, madaxda maamullada ka jira dalka, xubno ka socda beesha calaamka iyo xubno kale.

Goobta uu shirku ka furmay ayaa waxaa laga suray calanka  Galmudug kaas oo muujinaya in magaalada ay wixii maanta ka dambeeya tahay caasimada maamulka Galmudug oo sannadihii lasoo dhaafay ku shaqeyayay Cadaado.

Xubnaha ka socda Beesha Calaamka ee Dhuuso-mareeb ka gaaray ayaa waxaa ka mid ah; ergayga QM ee Somalia, Michael Keating, ergayga AU-da ee Somalia, Francisco Madeira, ergayga IGAD ee Somalia iyo xubno kale.

Shirkan ayaa la doonayaa in lagu dhameystiro heshiiskii awood-qabisga ahaa ee ay horay u gaareen maamullada Ahlusunna iyo Galmudug, inkastoo kulankan ay ka biyo-diideen cuqaasha iyo waxgaradka reer Cadaado.

Awood-qaybsiga maamullada Galmudug iyo Ahlusunna ayaa waxaa qayb ka ah in baarlamaannada laga maamul la isku daro, in Ahlusunna ay wasiiro ku yeelato xukuumadda Galmudug iyo qodobbo kale.

Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in degmada Cadaado uu ka socdo dibadbax looga soo horjeedo shirka ka furay Dhuuso-mareeb ee la doonayo in lagu dhameystiro heshiiska labada maamul.

Ugu dambeyn, Lama oga saameynta uu Mudaaharaadkaan ku yeelan doono shirka ka socda Dhuuso-mareeb, iyadoo sidoo kalena loo diiday inay shirkan ka qayb-galaan xildhibaannada baarlamaanka ee degmad Cadaado kasoo jeeda.

PUNTLAND POST