Qaadka loo yaqaanno Miru oo laga diiday magaalada Garoowe.

Ganacsatada Qaadka ee magaalada Garoowe ayaa joojiyay nooc kamid ah Qaadka oo loo yaqaanno”Miru” kadib markii la sheegay in uu fool xumaaday.

Qaar kamid ah ganacsatada magaalada ayaa PUNTLAND POST u sheegay in Qaadka”Miru” uu aad u fool xumaaday,islamarkaana ay adkaatay in la calaliyo,taaso ku khasabtay dadkii cuni jiray in ay gebi ahaanba diidaan.

Wararka aan ka helaynno Suuqa Qaadka ee Garoowe ayaa tibaaxaya in jawaanno Miru ah oo xumaaday magaalada la soo geliyey,islamarkaana lagu dhexdaray kii hore ee yaallay,dabadeedna dhammaantiisba la diiday.

“Foolxumadiisi iyo qashinkiisi ayaa la iska daayey,wuxuu noqday waxaan la calalin karin oo qurmuun haddana uraya,marka gebi ahaanba waa istaagay,annaguna ma doonayno inaan lacagtayada gelinno”,ayey tiri mid kamid ah ganacsatada Qaadka ee Garoowe.

Ganacsada Keena Qaadka Miru-ga ayaa sheegay in ay baarayaan wararka tilmaamaya  in Miru xumaaday uu ku jiray jawaannadii Qaadka ee laga keenay waddanka Kenya,waxayna ballanqaadeen in ay maalmaha soo socda keeni doonaan jawaanno cusub oo Miru ah fiican ah.

Dhinaca kale waxaa magaalada Garoowe suuq ka helay Qaadka Hareeriga ah ee laga keeno degmada Hawadeey ee dalka Ethiopia,kaasoo sannadkii hore aad ugu yaraaday suuqyada Puntland,kadib markii dagaallo ka dhex qarxeen Soomaalida iyo Oromada dalka Ethiopia.

Maalmaha soo socda ayaa la filaya in magaalada Garoowe la keeno jawaano badan oo Qaadka Miru-ga ah,kuwaasoo laga soo daabulay waddanka Kenya.