Raisulwasaare Kheyre oo Ka Qeyb Galaya Shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka Switzerland.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalaya shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka Kaasi oo ka furmidoono Dalka Switzerland.

Shirka oo ay ka qeybgalidoonaan hogaamiyaal ka kala socoda wadamada Caalamka ayaa lafilayaa in looga hadlo arrimaha kobaca dhaqaalah Adddunka iyo sidii loo caawin lahaa wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto,wuxuuna furmaya bishan Janaayo gudeheeda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kamid ah hogaamiyaal ka socda Qaaradda Africa ,waxaana lafilayaa in uu kulamo la yeesho madaxda ka socota wadamada ku horumaray dhinaca dhaqaalaha.
Shir ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya,maadaama ay kujiro wadamo yer oo Africa ka tirsan,kuwaasi oo si gaar ah loogu casuumay.

 

Dowlada Soomaaliya ayaa baryihii ugu dambeeysay masuuliyiinteeda waxa ay uga qeeybgalayeen Shirar muhiim ah oo Dowlada ay ku raadineeyso Dhaqaalo.

PUNTLAND POST