Madaxweyne Farmaajo oo Gaalkacyo ka furaya Kulamo Dib u heshiisiin ah

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in uu halkaasi ka furo shir dib u heshiisiin ah.

Shirkaasi oo ah mid muhiim ah ayaa looga hadli doonaa sidii nabad waarta loo kala dhax dhigi lahaa Dadka ku dhaqan Gobolka Mudug oo dagaalo soo laa laabtay uu ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo.

Shirkaasi waxaa goobjoog ka noqon doono Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Gal-Mudug Odoyaasha iyo waxgaradka Gobolka Mudug iyo Maamulada Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qudbad dheer ka jeedin doono Shirkaasi isaga oo ka hadli doono Doorka Dowlada Soomaaliya ay ka qaadaneeyso Nabadeeynta Gobolka Mudug.

ugu dambeeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doono qeeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaalada Gaal-kacyo isaga oo maalinta bari ahna ku wajahan Magaalada Cadaado.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho