Guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland,Daahir Salaad Canshuur oo khadka Taleefonka kula hadlay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegay in gobolka Sool uu galay xaalad dagaal,kadib markii ay Somaliland ay qabsatay degaanka Tukaraq oo ay haatan ku sugan yihiin.
Mudane.Daahir Canshuur ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan Waxgaradka,Nabadoonnada iyo Shacabka Tukaraq ay diideen Ciidamada Somaliland,islamarkaana bara-kac xooggan ka bilowday degaannadii ay soo galeen.
Guddoomiyaha ayaa iclaamiyey dagaal Somaliland looga saarayo guud ahaan gobolka Sool,isagoo sheegay in aan waan-waan dambe laga geli doonin difaaca Xuduudaha Puntland.
“Nimankaan waan la dagaallameynaa,waana ka saaraynaa dalka,dalkayagana dib baan u qabsaneynaa”,ayuu yiri Canshuur.
Halkaan ka daawo Wareysiga Canshuur.
PUNTLAND POST