Ciidamo AMISOM ah oo Tagaya Gal-Mudug Si ay u sugaan Amniga Madaxweyne Farmaajo

Ciidamo ka socdo Kuwa AMISOM Ayaa Tagaya Deegaano katirsan Gal-Mudug si ay u sugaan Amniga Madaxweyne Farmaajo.

Ciidamadaan oo ka socdo Dowlada Djabuuti ayaa tagaya Gobolka Gal-Gaduud Gaar ahaan Magaalooyinka Dhuusamareeb Guriceel iyo Caabud Waaq.

Shalay Ciidamo ka socdo Dowlda Jabuuti ayaa tagay Dhuusamareeb hayeeshee maanta ayaa lagu wadaa in ay halkaasi gaaraan ciidamo aad u farabadan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Bari Booqasho ku tagaya Deegaano katirsan Gobolka Gal-Gaduud ee Bartamaha Dhulka Soomaaliya.

Waa Safarkii ugu Dheeraa oo Madaxweyne Soomaaliyeed inta la xasuusto uu ku tago Gobolada Dalka Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa ka soo biloowday Puntland isaga oo ku soo gaba gabeeyn doono Gal-Mudug.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho