Baarlamanka Puntland oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland

Guddiga Amniga Baarlamanka Puntland oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland oo dhowaan qabsatay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool,halkaasoo ay weli gacanta ku hayso.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga Baarlamanka Puntland Xil.Saadiq Abshir Garaad oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa ku dhawaaqay dagaal Cusub oo Somaliland looga xoreynayo taako kast oo ay kaga sugantahay gobolka Sool,wuxuuna sheegay in Xuduudka Puntland ku egyahay”Lebida Gaatama” ee soohdinta u dhexaysa gobollada Sool iyo Togdheer.

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka Puntland Xil.,Xuseen yaasiin xaaji Diiriye oo dhankiisa hadalka qaatay ayaa bulshada gobolka Sool ugu baaqay in ay Somaliland iska-xoreeyaan,sida Shacabka Buuhoodleba isaga xoreeyeen,islamarkaana aanay magacooda dhaafsan Dollar jeebka loogu shubo.

Xildhibaan Xuseen oo ka jawaabayey hadal ka soo yeeray guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland,Baashe Maxammed Faarax,ayaa sheegay in Baashe u macaansaday feerkii looga saaray gudaha baaraalamka Somaliland.

Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhammaystiran.

PUNTLAND POST

2 comments on “Baarlamanka Puntland oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland”

  1. waxaa dhacday dagaaladii gaalkacyo oo lagu jiro,in isimaddii markaa hogaaminayey qaarkoot dhaheen illaahow gar iyo gardaraba gaalkacyo xoreenteeda nagu garrab sii.xag bay ahayd waa laxoreeyay oo illaahay ku garab galay,3sanno ka bacdi alle hownaxariistee cabdullaahi yuusuf oo markaa aan joogin,ayaa yiri anaga iyo ree hilowle waan heshiinay ee magaalada martidu hanoogabaxdo, waa kuwee matidu.waa guuto saddexaad oo ahaa ciise maxamuud iyo wixii kale oo la halmaaley,waana markii uu cabdullaahi yuusuf uu xamar ka soo noqday oo ay isku dhaceen alle haw naxariistee jenaral;maxamed farax caydiid.ciise maxamuud markii ay gaalkacy kasoo baxeen,waa guuto saddexaade xitaa waxaa loo diiday inay soo kaxaystaan saddex tanki oo cusub oo ay lahaayeen.manta talow maxay noqon ww haddii laascaanood la xoreeyo,wabillaahi towfiiq

  2. Walaahi Daaroodka iyo Isaaqa anaga ayay 100% naga fiican yihiin sababtoo ah waxay ka dagaalamaan afka sida haweenka Jareerta oo kale oo iyakoo Gemberkooda ku fadhiya oo aan ka kicin afka ka dagaalama walaahi waxaa tihiin Ilbax sidaa ku wada oo Afka ka wada Rasaas maya Hawiye oo kale ha noqonina waad ku mahadsan tihiin xadaaradda Afka qofka hadii uu dagaal ku dhinto ma soo noolaanaya ha la ilaaliyo nafta bani aadamka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *