Daawo Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta lagu soo dhaweeyay Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku yimid booqashadiisii ugu horeeyay magaalada Garowe xarunta Puntland waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha cusub ee magaalada Garowe Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ,Goloyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland iyo Dadweyne aad u fara-badan.

Soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo beegmatay diyaar garow loogu jiro furitaanka garoonka diyaaradaha magaalada Garowe iyo Xuska sanad guurada 4aad 08 January 2018 oo ku beegan maalintii la doortey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta maanta loogu sameeyay magaalada Garowe, wuxuuna sheegay inuu socdaal ku tagi doono magaalooyinka Qardho,Bosaso iyo Gaalkacyo.

Imaanshaha Madaxweyne Farmaajo oo ahayd markii ugu horeysay oo uu yimaado Puntland intii kusoo biirey siyaasadda ayaa si ka duwan madaxdii horrey maanta loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe taasoo  ay ku muujiyeen dadweynaha ku nool caasimada Puntland taageerada ay u hayaan Madaxweyne Farmaajo.

Daawo soo dhaweynta Garowe

Dhinaca amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay ka hor intii uusan soo gaarin waftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, waxaana jirey isbedelo lagu sameeyay bilicda Caasimada Puntland.

Kala soco Puntland Post faahfaahinta.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST