Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qaaddacay go’aannadii Maxkamadda Rafcaanka

Siyaasiga Cabdiraxmaan cabdishakuur Warsame oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa qaaddacay dhammaan go’aannadii Maanta ka soo baxay Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka Banaadir.

“Waxaan cadeynayaa inaan aqbalsanayn go’aanka ay maxkamadu maanta ku siisay xeer ilaalinta muddo sagaashan casho ah taasoo xeer ilaalintu ku dooneyso inay ku soo dhoodhoobto waxyaabo been abuur ah, waxaana cadeynayaa in la gaari doono maalin lala xisaabtami doono dhamaan xafiisyada haysta awooda ku takrifalaya, sida xafiisyada garsoorka iyo kuwo fulintaba,”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur.

Sidoo kale Madaxtooyada Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay cabburin xooggan ku hayso Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee ka horjeeda,islamarkaana ay faro-gelinayso Nidaamka Garsoorka dalka.

Dhammaan taageerayaashiisa ayuu ugu baaqay in ay is-dajiyaan“Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka soomaaliyeed iyo taageerayaashaydaba in ay is dejiyaan cid nooga adkaan karta ma jirto sharciga, sharciga ayaa cid kasta ka sareeya”.