Xabad joojin la dhexdhigay beelo ku dagaalamaya xadka Sool iyo Nugaal

Waxaa heshiis hordhaca laga gaarey dagaal beeleed u dhaxeeyay labo beelood oo walaala oo mudadii u dambeysay ka socday hawdka Gobolka Sool xuduudka uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ka dib markey halkaas gaareen Issimo iyo Cuqaal isaga kala yimid  Gobolladda Sool,Nugaal,Mudug iyo Cayn.

Nabadoon Cabdulaahi Maxamed Jibriil oo ka mid ah wafti uu hogaaminayo Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa u sheegay Warbaahinta PUNTLAND POST in lagu guulaystey xabad joojin rasmiya oo la dhexdhigay labada dhinac ee colaadu ka dhex jirtey islamarkaana heshiis hordhac ah oo ka kooban 8 qodob oo loo kala saxiixay ay goobjoog ka ahaayeen Waxgaradka iyo Issimada labadaas beelood sida Islaan Bashiir Islaan Cabdulle,Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Issimo kale.

Wuxuu intaas ku darey inay garwadeen ka yihiin heshiiska xabad joojinta wafti uu horkacayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka tagey magaalada Laascaanood iyo Wafti uu hogaaminayo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka tagey magaalada Garowe ,Islamarkaana waxaa goobjoog u ah xubno matalaya Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Nabadoon Cabdulaahi Maxamed Jibriil wuxuu sheegay inuu wax badan ka duwan yahay heshiisyaddii horey loo dhexdhigay labada dhinac, Iyadoona uu sheegay inta laga gaarayo muddo bil ah oo loo balamay gogol lagu soo afjari doono colaada  Deegaanka Cariska Cagaare in labada dhinac laga saxiixay heshiis xabad joojin rasmiya oo ka kooban sideed qodob .

Daalaco Wareysiga Nabadoon Jibriil.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST