Faysal Waraabe” diyaaradii amarkeena qaadan wayda waan soo ridaynaa” 

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Mucaaradka ah ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo maanta ka hadlay munaasabad lagu dooranayo Gudoomiyaha ururka Saxafiyiinta Somaliland ee Solja ayaa ka hadlay Arimo la xariira tilaabooyin ay qaaday dowlada Soomaaliya .

Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay in Dowlada Soomaaliya ay maamulka hawadeeda dib u soo cishatay isaga oo ka soo horjeeystay arintaasi.

Waxaana uu ku hanjabay in Somaliland ay soo ridi doonto Diyaaradii amarkeeda qaadan weysa, sida uu hadalka u dhigay.

“Hawadeenna cidina ma qaadi karto, diyaaradahana tii amarkeenna qaadan wayda waan soo ridaynaa”

Dhanka kale Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu weeraray dad isaga ka qeyb qaatay doorashadiisii islamarkaasina uu dad ka dilay sida uu hadalka u dhigay.

“Farmaajo Emotional ayaa lagu doortay sidii Maxamed Siyaad Barre, raggii dhisay ayuu kaga bilaabay oo wuxuu markiiba weeraray Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo uu lix ka dilay reerkooda” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe

dowlada Soomaaliya ayaa 27-sano kadib dib u la soo wareegatay maamulka hawada Soomaaliya iyada oo uu saameeyneeyso tilaabadaan Maamulka Soomaaliland.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post