Ardayda jaamacadda Bariga Afrika oo fadhiistay imtixaanka simistarka 1-aad

Bosaso-[Puntland Post]-Jaamacada Bariga Afrika oo ah hooyada waxbarashada Puntland-Soomaaliya ayaa waxaa si rasmia ah ugu bilowday xarunteeeda magaalada Bosaso imtixaankii Simistarkii Koowad ee Jaamacadda waxaana marka aad gaarto Jaamacada Bariga Afrika xarunteeda ay indhahaagu qabanayaan ardayda oo ku mashquulsan kashaqaynta imtixaanka halka macallimiintuna ay ahaayeen kuwo ilaalinaya habsami u socodka imtixaankaa .

Xafiiska imtixaanka oo isna maanta ahaa mid wanaagsan ayaa laga dheehanayey qaabka uu ugu diyaar garoobey bilowga imtixaanaadka kuwaas oo ay galayaan kuliyadaha ay bixiso jamaacadu.

Tirada ardayda maanta u Fariistay Imtaxaanka ayaa lagu sheegaya in ka Badan Labo Kun oo arday ku waas oo iskugu Jira Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadu Bixiso.

Gudoomiye Ku -Xigeenka Jaamacadda Bariga Afrika Maxamed Maxamuud Ciise ayaa waxaa uu sheegey in ardaydaa ay ka kooban yihiin dhamaan kuliyadah ay Jaamacdu bixiso
“Jamaacada bariga africa qaybta Bosaso waxay u taagan tahay inay bulshada Bosaso ay ka haqab tirto wax barashada sare  dadaal iyo juhdi dheeri ahna waa ugu jirtaa arintaas tacliintana wa sii wadi doona ayuu yiri Gudoomiye Ku -xigeenka Jaamacadda Bariga Afrika Farceeda Bosaso.

Madax Imtaxaanada ee Jaamacadda Bariga Afrika fareceeda Bosaso Axmed Faarax Garaase ayaa ugu hambalyey ardayda soo gaartey xiliga imtixaanka muda dheer oo ay ku soo jireen waxbarashada tacliinta waxaana uu Illaah u weydiiyey in uu ufududeeyo imtixaanka ay maanta u fariisanayaan.

Si kastaba ha ahaatee jamacada Bariga Afrika waa Jaamacadii ugu horeysay ee Laga dhiso deegaanada Puntland waana jaamacada ugu qaybaha badan waxaana ka mid ah meelaha ay qaybaha ku leedahay Bosaso oo xaruntii ah ,Garowe , Galkacayo, Buuhoodle, Qardho,Galdogob iyo Ceeri- gaabo.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso