Siyaasiin xilal kasoo qabtey Puntland oo ka hadlay colaada deegaanka Cagaarane.

Odoyaal iyo Siyaasiin xilal kala duwan kasoo qabtey maamulka Puntland oo warbaahinta PUNTLAND POST  kula hadlay magaalada Garowe ayaa baaq nabadeed u direy maleeshiyadda beelo ku dagaalamaya hawdka Gobolka Sool gaar ahaan xadka uu la wadaago Gobolka Nugaal.

Masuuliyiintan ayaa ku dhaliilay labada dhinac ee colaadu u dhaxayso jabinta heshiiskii laga gaarey xal u helista colaada, waxayna ugu baaqeen inay si deg deg ah u joojiyaan dhibaatada ka taagan deegaanka cariska Cagaarane ee hawdka Gobolka Sool.

Waxaa ka mid ah masuuliyiinta la hadlay warbaahinta PUNTLAND POST General Axmed Gaani Cali Shire oo xilal kasoo qabtey Puntland, Korneyl Yaasiin Cali Cabdulle (Tamaada) oo Xukuumaddii A.U.N Cadde Muuse Xirsi kasoo noqday Wasiir kuxigeenka Maaliyadda,Gudoomiyihii horre ee magaalada Qardho Maxamed Siciid Hogaama Laroor iyo Ex Wasiir Dr Cabdulaahi Aadan Ciise.

Baaqa siyaasiinta ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaalo xal loogu raadinayo joojinta iyo ka hortaga dirirta u dhaxaysa labo beelood oo walaalo ah kuwaas oo muddo ku dagaalamayay xadka u dhaxeeya Sool iyo Nugaal.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST