Labo Askari oo lagu dilay Magaalada Bosaso

Bosaso-[Puntland Post] Kooxo hubaysan ayaa goordhaweyd ku dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Canshuuraha Boosaaso.

Labada Askari oo lagu dilay bartamaha Boosaaso, ayaa loo dilay si gaadmo ah sida ay Puntland Post u sheegeen Dad ka agdhawaa goobtu dilku ka dhacay waxaana Kooxaha dilka geystay ay ka baxsadeen goobta.

Halka dilku uu ka dhacay ayaa ahayd goob mashquul badan waxaana aad ugu badnaa Gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa dadka.

Maydka labada Marxuum, ayaa la geeyay Cisbitaalka wayn ee Magaalada Boosaaso, halkaas oo ay tageen ehelada dad ka shaqeeya Canshuuraha.

Ciidamada amniga Boosaaso ayaa tagay goobta, waxayna sameeyeen hawlgalo, kadib markii uu dilku dhacay.

Waxaa dilku uu kuso aadayaa xilli Ciidamada Amaanka Boosaaso ay malmihii ugu danbeeyey hawlgalo la xirii aminag ay ka wadan magaalada.

Faahfaahin dheeraad ah filo goor dhow Puntland Post insha allah