Soomaali fara badan oo lagu laayay Gobolka Oromiya ee Itoobiya iyo xiisad ka dhalatay

Muqdisho (PP) ─ Tiro lagu sheegay 65 qof oo Somalia ah, ayaa lagu dilay deegaano ka tirsan ismaamulka Oromada Waddanka Itoobiya, iyadoo ay sii xoogeysanayaan rabshadaha iyo isku dhacyada u dhaxeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Tuulada Gadule oo hoos tagta Degmada Darulow ee Gobolka Oromada ayaa lagu dilay 65 ruux oo Somalia ah, kaddib markii ay soo Weerareen ciidammo ka tirsan kuwa Qowmiyadda Oromada-Itoobiya.

Sidoo kale, Weerarkan ayaa ka dhashay markii ciidamada Liyuu Booliska ee deegaanka Soomaalida-Itoobiya ay Weerareen deegaan ku dhaw Gadule, waxaa halkaas ku dileen labo askari.

Reerkii Askariga laga dilay ee Oromada ahaa ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Soomaalidii ku sugneyd deegaanka Gadule, kaddibna ay halkaas ku dileen lixdameeyo Soomaali ah oo isugu jira dad waaweyn iyo caruuur.

Dhanka kale, Maamulka deegaanka Oromada-Itoobiya ayaa sheegay in 14-qof oo Soomaali ah la dilay, iyagoo meesha ka saaray sheegashada tirada 65 ruux ee la dilay.

Colaadaha u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada oo sanadkan bilowday ayaa aad u sii kordhay, waxaana ku barakacay kumannaan qof oo Soomaali iyo Oromo isugu jira.

Ugu dambeyn, Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay in ay gacanta ku dhigtay dadkii ka dambeeyay rabshadaha, isla markaana ay xabsiga dhigtay, laakiin waxaa muuqda in ay dib u bilowdeen dagaallada.

PUNTLAND POST