Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aysan cagaheeda ku istaagi karin.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan cagaheeda ku istaagi karin,haddii aysan helin taageerada Maraykanka ee ku aaddan la-dagaallanka Al-shabaab,sida lagu xusay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Difaaca Soomaaliya,Maxammed Cali Xagaa oo qoraalkan soo saaray ayaa Maraykanka ka dalbaday in uu kordhiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya iyo weerarrada dhinaca cirka ah ee looga horjeedo ururka Al-shabaab.

Mudane. Xagaa ayaa sheegay in howlgallada dhinaca cirka ah ee diyaaradaha Drons-ka Maraykanka muhiim u yihiin dagaalka lagu burburinayo Al-shabaab,islamarkaana ay dalbanayaan in la kordhiyo.

Warkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegmay,xilli xukuumadda Washington ay sheegtay in ay joojisay gargaarkii cuntada iyo shidaalka ee ay siin jirtay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya,kadib markii musuq maasuq looga shakiyey.

Dowladda Maraykanku waxay sheegtay in ay sii wadayso taageerada ay u fidiso cutubyada gaarka ah ee Ciidamada Soomaaliya ay madaxda u yihiin saraakiisha Maraykanka ah ,sidoo kalena ay dowladda Soomaaliya la shaqeyn doonto,si loogu heshiiyo halbeeg lagu soo celin karo kaalmadii la siin jiray ciidamada kale.

PUNTLAND POST