Kulan aan caadi ahayn oo dhexmarey PUNSAA iyo Baarlamanka Puntland

Madaxda Hay,adda Ururada aan dowliga ahayn ee PUNSAA iyo Baarlamanka Puntland waxaa maanta dhexmarey kulan ka duwan shirarkii horre, kasoo ahaa wada hadal iyo sidii gollaha wakiiladdu irdaha ugu furi lahaayeen sidii bulshadu ula socon lahayd shuruucda baarlamanka ka hor inta aan la ansixin gaar ahaan qeybaha quseeya shacabka.

Kulanka ayaa diirada lagu saarey in gudiyada baarlamaanka iyo bulshada rayidka qaybaha ay qusayso in wada shaqeeyaan ayadoo bulshada rayidka ahi gaari karto goobo badan oo baarlamaanka u fududaynayso inuu howshiisa guto si loogu qareemo cabashooyinka bulshada qaybaheeda kala duwan

Iyadoo la raacayo dastuurka Puntland xuquuqda uu siiyay muwaadiniinta wuxuu kusoo dhamaaday wada hadalka maanta dhexmarey madaxda PUNSAA iyo Guddiyadda kala duwan ee Baarlamanka Puntland isfaham iyo irdaha loo furo hawlo badan oo horey caqabado uga jireen sida inay saxaafaddu goobjoog ka noqoto fadhiya baarlamanka.

Talaabada ay kusoo guulaysatey Hay,adda PUNSAA ayaa muhiim u noqonaysa inay shacabku la socdaan waxa ka socda gollaha wakiiladda Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST