17 Askari oo ku dhintay weerar ka dhacay Muqdisho

Weerar Ismiidaamin ah oo khasaare dhimasho iyo dhaawac sababbay ayaa saaka lagu qaaday Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

17 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarkaas, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 17 kale, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad oo bartiisa Facebook-ga soo dhigay inuu tagay goobta weerarku ka dhacay.

Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan ayaa sheegay inay halkaasi ku dileen 27 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska, balse ma jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee halkaas ka dhacay.

Dowladda Soomaaliya illaa hadda kama aysan hadlin khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkan la la beegtay Dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye ee Muqdisho, marka laga reebo qoraalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Ciidamada weerarka la la beegsaday ayaa isu diyaarinayay xuska maalinta Booliska Soomaaliyeed ee 20 December.

 PUNTLAND POST