Golaha Shacabka oo ansixiyay Misaaniyadda Dowlada 2018

Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta ansixiyey Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2018.

Kulanka Maanta oo uu shir guddoomiyey ku-xigeenka 1 aad ee Guddoonka Baarlamanka Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudeey,ayaa waxa soo xaadiray 164 xildhibaan. 162 xubnood ayaa ansixiyey Miisaaniyadda,hal mudane ayaa diiday,mid kalena waa ka aamusay,sida uu ku dhawaaqay Muudeey

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Qaraar uu soo diyaariyay Guddiga arrimaha debadda ee Baarlamaanka oo ku saabsan Cambaareynta go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimada Israa’iil.

PUNTLAND POST