Taba-bar ku saabsan ciribtirka gudniinka gabdhaha oo Garoowe ka socda.

Tababar looga hadlayo dhibaatadda gudniinka gabdhaha Soomaliyeed iyo sida ay weriyaasha iyo culamada soomaliyeed qayb weyn uga qaadan lahayeen ol-olaha la daagalanka gudniinka gandhaha ayaa maalinkii sadexaad ka soconaya madasha shirarka ee PDRC.

Tababarka oo ay Wasaaraddu Haweenka Puntland marti galisey ayaa aad lagu falan qeeyay sidii la isaga kaashan lahaa loona cirib tiri lahaa gudniinka gabdhaha guud ahaan Soomaliya, waxaana la isla gaarey in culmada iyo warbaahintu doorkooda ka cayaaraan baahinta iyo gaarsiinta bulshada halku dhega ah jooji gudniinka iyo jar jarida lagu hayo gabdhaha Soomaaliyeed si looga baxo aafada iyo cudurada uu keenay in gabadhaha jirkooda la jar jaro.

Dood culus oo maanta laga yeeshay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Marwada Madaxweynaha Puntland Dr’s Hodan Isse, Wasiirka Wasaaraadda Haweenka Marwo Marian Ahmed Ali, Gudoonka xaquuqal aadaha Puntland, Agaasimaha TVga Puntland Jamal Arab, dhaqaatiir culummo, weriyaal Hay’adaha Global Media Campaign, Ifraah Foundition, UNICEF iyo Save the Children oo iska kaashaday ollolahaan la dagaalanka gudniinka gabdhaha.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arriamaha Qoyska Puntland Marian Ahmed Ali ayaa cod dheer ku sheegtay in danta laga lee yahay doodan tahay in la hello hal cod oo lagu midaysan yahay marka laga hadlayo joojinta gudniinka gandhaha halka gudoomiyaha xaquuqal insaanka Puntland Mohamed Yuusuf uu dul istaagay qodobka farinta u ah xaquuqda haweenka iyadoo madax hayada ifrah Foundition ay farin fartay culamad iyo warbaahin si loo gaarsiiyo wacyigelinta joojinta gudniinka haweenka warbaahinta iyo culumaudinka soomaliyeed.

Marwada madaxweynaha Puntland Hodan Saciid oo ah safiir u qareenta joojinta tacadiga ka dhanka haweenka soomalida ayaa xoojisay hadalka wasiirada, iyadoo nogaadisay doorka culmada iyo warbaahinta oo haatan xooga saaraya wacyigelinta gudninka gebe ahaantiis la joojiyo.

Sawirrada.