FALANQEYN:- Ma dhab baa isbedel ku yimid xulkii kubadda Puntland?

Ka dib natiijo barbar dhac ah 3-3 oo ay galabta kala yimaadeen xulka Puntland ciyaar adag oo dhexmartey Xulka Hirshebelle, waxaa bilaamatey weydiimo iyo su,aalo ku saabsan jiritaanka isbedelo ku yimid ciyaartooyda Puntland iyo In kale?.

Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa samaysay falanqeyn kooban oo loogu kuurgalayo jiritaanka isbedelkaas, waxaana ka qeybgalaya falanqeynta Agaasimaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tigaana, Macalinka Kooxda Horseed oo xulka Puntland ku leh laacibiin badan oo uu soo saarey iyo Qaar ka mid ah dhalinyaradda magaalada Garowe.

Agaasime Axmed Cabdalla Tigaana ayaa balanqaaday inay Puntland guul kala soo tagi doonto tartanka kooxaha maamuladda uga socda magaalada Muqdisho, wuxuuna ka codsadey shacabka Puntland inay ku garabsiiyaan sidii loo dhiirigalin lahaa dhalinyaradda ku ciyaareysa magaca xulka Puntland.

Dhinaca kale macalinka kooxda Horseed Cabdulqaadir Barcenolla iyo Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa sheegay dhaliilo ka jirey ciyaartii galabta ka dib markey ku doodeen inay ku rafaadeen xulka Puntland islamarkaana kala yimaadeen natiijo ka duwan middii horey loo saadaalinayay.

Haddaba maxaa ka jira Isbedelkaas? Daawo falanqeynta PUNTLAND POST.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.