Madaxweynaha Recep Erdogan iyo Netanyahu oo is-weydaarsaday Hadallo aad u kulul

Qudus (PP) ─ Ra’iisul wasaraaha Israa’iil ayaa sheegay in ay waajib tahay in Falastiiniyiintu “ay u daadagaan” xaqiiqada ah in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil si loogu dhaqaaqo dhanka geeddi socodka nabadda.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Qudus ay caasimad u ahayd Israa’iil 3,000 sano, aysanna caasimad u noqonin waligeed dad cid kale.

Wuxuu hadalkan jeediyay iyadoo bartanka lagaga jiro mudaaharaadyada ay Muslimiinta iyo Dunida Carabtu kaga soo horjeedaan go’aanka uu Maraykanku ku aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

Rabshado ayaa ka dhacay agagaarka safaaradda Maraykanka ee Lubnaan iyo goobo kaleba Axaddii.

Qudus laftirkeedana qof Falastiini ah ayaa lagu xiray ka dib markii uu toori galiyay si xunna u dhaawacay waardiye ku sugnaa goob magaalada bartankeeda ah oo basaska laga raaco.

Isaga oo ka hadlaya magaalada Paris oo uu ku weheliyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayuu Netanyahu sheegay in ay “arrin fool xun” tahay in la diido isla xiriirinta dadka Yuhuudda ah iyo magaalada Qudus.

“Waxaad ka akhrin kartaa kitaabka wanaagsan – ee Baybolka la dhoho,” ayuu yiri “waxaad ka akhrin kartaa Baybolka ka dib. Waxaadna ka heli kartaa taariikhda dadka Yuhuudda ah ee qurbajoogta ah, waa tuma meesha aan Qudus ahayn ee Israa’iil caasimadda u ahayd?

“Sida ugu dhakhso badan ee Falastiiniyiintu xaqiiqada ugu soo dhawaan karaan ayaa ah sida ugu dhakhsoha badan ee aan dhanka nabadda ugu dhaqaaqi karno”. ayuu intaas ku daray.

Dhanka kalana afhayeen u hadlay madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa si wayn u dhaliilay maamulka Falastiiniyiinta, isaga oo sheegay “in ay nasiib darro tahay” in madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas uu diido in uu la kulmo Pence, marka uu dhawaan booqasho ku tago gobolka.

Masarna, masuuliyiinta ugu sarreeya diinta Muslimka iyo midda Masiixiyiinta ayaa baajiyay kulan ay la qaadan lahaayeen madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo horay loo sii qorsheeyay, iyaga oo ka biyo diidan go’aanka Maraykanka.

‘Dibadbaxyo tiro badan’

Waxaa jira cambaarayn tiro badan oo loo soo jeediyay go’aankii uu qaatay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo uu kaga laabtay dhexdhexaadnimadii Maraykanka ee lahaanshaha magaalada Qudus taas oo ah wadnaha khilaadka dhexyaalla Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Maagaaladan ayaa ah goob ay barakaystaan diimaha waawayn sida Islaamka, Yuhuudda iyo Masiixiyiinta gaar ahaan waliba dhanka bari ee magaalada Qudus.

Israa’iil ayaa waligeed u aragta Qudus caasimaddeeda, halka Falastiiniyiintuna ay ka sheegtaan Bariga Qudus oo ay Israa’iil ku qabsatay dagaal sannadkii 1967dii in ay tahay caasimadda mustaqbalka ee xukuumadda ay Falastiin yeelan doonto.

Axaddii waxaa sii socday mudaaharaadyo lagu diidan yahay go’aanka Maraykanka:

  • Booliiska mudaaharaadyada ka hortaga ayaa boqolaal ruux oo magaalada Bayruut ku mudaaharaaday ku ganay qiiqa dadka ka ilmaysiiya iyo biyo kulul si ay uga hor istaagaan in ay gaaraaan safaaradda Maraykanka.
  • Mudaaharaadyo dheeri ah oo kalana waxay ka dhaceen magaalooyinka Qaahira iyo Rabat oo ah caasimadda Marooko.
  • Dhulka Falastiiniyiintana mudaaharaadyo ayaa ka sii socday, halka ay Israa’iilna ka sheegtay in ay qarxisay marin dhulka hoostiisa ku yaalla oo magaala Qaza ku yaalla, kaas oo ay sheegtay in loo qoday si weerar milatari loogu adeegsado.
  • Kumannaan ruux oo kalana waxay mudaaharaad ka dhigeen bannaanka safaaradda Maraykanka ee ku taalla caasimadda Indonosea ee Jakarta, dadkaas qaar ka mid ahna waxay warfinayeen boorar ay ku qoran yihiin “Falastiin wadnahanaga ayay ku taallaa”.
  • Waxyaabo holcayana waxaa lagu tuuray macbad ay Yuhuuddu ku leedahay magaalada Gothenburg ee Sweden Sabtidii, booliiskuna waxay ku tilmaameen in uu ahaa isku day dab lagu qabadsiinayay oo dhici soobay.

‘Hadallo kulkul oo ay is waydaarsadeen labo masuul’

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa dad badan oo isugu soo baxay magaalada Istanbul u sheegay in uusan Qudus ooga haraynin xukuumad “carruurta laysa”.

Netanyahu-na wuxuu sheegay in hogaamiyaha Turkigu “uu weeraray Israa’iil”, isagoo yiri. “Hadal kama dhagaysto hogaamiye uu damiirkiisu siiyay in uu duqeeya tuulooyinka Kurdiyiinta ee ay dagan yihiin dadka asal ahaan Turkida ah, kaas oo xira saxafiyiinta, Iiraanna ka caawiya in ay jabiso cunoqabataynnada caalamiga ah, kaas oo caawiya argagixisada ay ku jiraan kuwa Qaza ee laaya dadka aan waxba galabsanin, ayuuna sii raaciyay.

Erdogan ayaa Qaza ku tilmaamay “khad cas” oo arrimaha Muslimka ah wuxuuna ka digay in Turkigu ay soo afjari doonaan calaaqaadkii dublamaasi ee ay la lahaayeen Israa’iil arrinta Qudus awgeed.

Turkiga iyo Israa’iil ayaa calaaqaadkooda dublamaasi soo celiyay sannadkii hore uun lix sano ka dib markii uu Ruushku Turkigu calaaqaadka u jaray, iyadoo uu Turkigu ka mudaaharaadayay sagaal ruux oo Turki ah oo Falastiiniyiinta taageersanaa kuwaas oo ay isku dhaceen kumaandoosta Israa’iil iyaga oo saaran Markab oo isku dayaya in ay jabiyaan go’doomin lagu hayay Qaza.

Isha: BBC

PUNTLAND POTS