Garowe oo lagu daahfurey shirkad ka shaqeynaysa kireynta guryaha,boosaska iyo gawaarida

Waxaa maanta lagu qabtey magaalada Garowe munaasabad lagu daahfurey shirkad ka shaqeynaysa kireynta guryaha, boosaska iyo gawaarida oo lagu magacaabo Puntland Homes and Cars.

Shirkada oo xafiiskeedii ugu horeeyay ka furtey magaalada Garowe waxay sheegeen mulkiilayaasha asaasay sidoo kale inay xafiisyo ka furan doonaan magaalooyinka kale,waana shirkad leh labo 2 Website oo laga arki karayo guryaha iyo gawaarida ay iibinayso ama ijaareyso.

Munaasabada daahfurka shirkadda oo ka qabsoontay magaalada Garowe waxaa ka hadlay ganacsato, injineero ka socday shirkadda Technology-yadda ee Ramaas Software iyo marti sharaf kale

Khadar Cabdiraxmaan Aadan oo ah asaasaha shirkaddan ahna ganacsade qurbe joog ah ayaa sharaxay sababta loo sameeyay shirkadda Puntland Homes and Cars, wuxuuna sheegay inay ku timid baahi loo qabo adeegyadda ay qaban doonaan.

Waxaa kulminay inaad hesho xafiis aad tegi kartid iyo inaad adiga oo gurigaaga jooga aad website-ka ka heli kartid adeega aad uga baahan tahay Shirkadda Puntland Homes and Cars” ayuu yiri Khadar.

Daawo Sawiradda.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST