Shirweynaha La-dagaallanka Musuq maasuqa heer qaran oo Garoowe ku soo xirmay.

Waxaa Galabta magaalada Garoowe lagu soo xiray Shirweynaha La-dagaallanka Musuq Maasuqa ee heer qaran oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Astaynta Maamul Wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq Maasuqa ee puntland,sidoo kalena ay gacansiisay hay’ada UNDP,kaasoo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin ka socday dowlad goboleedyada dalka iyo xukuumadda federaalka Soomaaliya,saraakiisha hay’adaha caalamiga ah ,ururrada bulshada rayidka ah,isimo culimaa’udiin iyo mart sharaf kale.

shirka oo muddo laba maalmood ah ka socday Xarunta Nabadda iyo Cilmi Baarista Puntland ee PDRC ayaa diiradda lagu saaray cirib-tirka musuq maasuqa iyo dhismaha maamul wanaagga,waxaana gebo-gabadii laga soo saaray War-murtiyeed 7 qodob ka kooban.

Halkaan hoose ka daawo War-murtiyeedka.

Agaasimaha hay’adda Astaynta Maamul Wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq Maasuqa puntland,Cabdiraxmaan Cali Guureeye oo ugu horrayn munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in shirkaani yahay kii ugu horreeyey ee noociisa ah oo Soomaalida guud ahaan loo qabto,isagoo ku tilmaamay”bog cusub oo u furmay la-dagaallanka musuqa Soomaaliya iyo baahinta maamul wanaagga”.

Dhammaan mas’uuliyiinti ka soo qayb galay shirka ayaa soo dhoweeyey guud ahaan qodobadii looga hadlay iyo war-murtiyeedkii laga soo saaray shirka,iyagoo bodaadiyey dowladda Puntland oo ay ku ammaaneen siyaasadda cad ee ay ka leedahay la-dagaallanka musuqa.

Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya Abukaate Xassan Xuseen Xaaji oo shirka soo xiray ayaa ku dheeraaday ahmiyadda la-dagaallanka musuq maasuqa,wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la hirgeliyo shuruucdii qaban lahayd qofkii lagu helo dhaca hantida umadda.

Sawiradda Shirka.

PUNTLAND POST