Akhriso:- Isimada Puntland oo xaliyey murankii Dekada Bosaso

Bosaso-[Puntland Post] Isimada Puntland oo maanta kulan ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa ganacsatada iyo dawlada dhex dhigay heshiis, ka dib markii ganacsatadu ay muran ka keeneen shirkada lagu wareejiyey Dekada Boosaaso.

Kulanka lagu soo bandhigay heshiiska la gaaray ayaa waxaa goob joog ka ahaa ganacsatada Puntland, Isimo Miisaan ku leh Puntland, Mas’uuliyiin ka socday dawlada iyo dadweyne kale oo goob joog ka aaha go,aanka ay soo saareen Isimada Puntland.

Qodobada ay dawlada iyo ganacsatadu ay ku heshiiyeen ayaa kala ahaa;

  • In laga wada shaqeeyo nabadgelyada
  • Dawladdu inay soo bandhigto hashiiska balaarinta Dekedda Boosaaso
  • In la taageero Mashaariicda horumarineed ee Puntland
  • In Tariifada ay soo saareen Isimada ee ku meel gaarka ah lagu dhaqmo

Ganacsatada ayaa soo dhoweeyay qodobada lagu heshiiyay, waxaana ay dalbadeen in la dhaqan geliyo, isla markaana guddi ay Isimadu u sameeyen ay daba galaan.

Dhinaca kale Masuuliyinta Dawlada ayaa iyana soo dhoweeyay heshiiska, waxaana ay sheegen inay hirgalin doonaan qodobada lagu heshiiyay dhinacooda.

Heshiiskan ayaa soo afmeeraya murankii mudada soo taagnaa oo u dhexeeyay ganacsatada iyo dawlada waxaana ha kada ku jiray in mudo ah shaqada Dekada Boosaaso.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso