Wasaarada Deegaanka Puntland oo biyo xireeno ka dhiseysa Bari,Karkaar iyo Haylaan

Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL oo kaa shanaysa Hay’adda ARC International ayaa biyo xireeno ka dhagax dhigay deegaano katirsan gobolada Bari, Karkaar iyo Haylaan ee Puntland, biyo xireenadan oo ah kuwo casri ah islamarkaasna la jaanqaadaya kawa laga dhiso dunida horumartay ayaa laga dhagax dhigay deegaanada Qodax, Sheerbi, Balli-busle, Xiriiro iyo Meeladeen.

Eng, Cabdiweli Yussuf Aden oo ah Injineerka wasaarada Deegaanka oo ka hadlay biyo xireenadan ayaa sheegey in ay noqonayaan kuwo ka duwan kuwii ay horey u waday wasaaradu waxaana uu sheegey in ka koobnaan doono qaybo kaladuwan islamarkaasna loo qoodi doono Hoos loona balaarin doono dhinacyada iyadoo Bac lagu xiriri doono, Sidoo kale Injineerku wuxuu sheegey in Biyo Xireenadan oo Shan meelood laga sameeyey lagu wareejin doono Silig si loo ilaaliyo nadaafada Biyaha iyo Haamo biyaha Kaydiya.

Saalax Cabdirashiid Maxamed oo madax ka ah hay’adda ARC International qaybteeda Puntland  oo iyadu fulin doonta Biyo Xireenadan ayaa sheegey in ay hay’addu rajaynayo inay mashaariic kale kasameeyaan Puntland, Mashaariicdan hada socda ee biyo xireenada ah ayaa uu sheegey inay barbar socon doonaan tababaro iyo  barnaamjyo kaladuwan oo ay ka faa’iidaysan doonaan dadka degen deegaanada laga samanayo Mashaariicdan.

Agaasimaha Waaxda shuruucda ee wasaarada Deegaanka Puntland Axmed Aadan Faarax oo isna ka qaybgalay dhagax dhiga Biyo Xireenadan ayaa sheegey in tani ay qaybwayn ka tahay dadaalka ay Wasaarada Deegaanka Puntland oo kaashanaysa hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin ugu jiraan laga boxo Biyo yarida islamarkaasna laga faa’iidaysto Biyaha Roobka waxaana uu sheegey in wasaaradu ay rajaynayso in ay sii laba jibaarto qorshaheeda ku aadan ka faa’iidaysiga biyaha Roobka.

Gudoomiyeyaasha Degmooyinka, kuwa deegaanka iyo maamulada gobolada kala duwan ee laga samaynayo Biyo xireenada cusub iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanadaas ayaa siwayn usoo dhaweeyey dhismaha biyo-xireenka,iyagoo u mahadceliyey Hay’adda ARC International iyo Wasaaradda Deegaanka, waxayna sheegeen inay noloshoooda waxbadan ka badi doonaan marka la dhiso Biyo-xireenadan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST