Maalinta Aids-ka oo maanta laga xusay magaalada Garowe

Waxaa maanta laga xusay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, Maalinta Caalamiga ah [1 December, 2017] ee loo asteeyay Cudurka AID-ka, kasoo sannadkan hal ku dhig looga dhigay Caafimaadku waa Xuquuq Sugan iyo Aan CiribtirnoTakoorka.

Munaasabad ay soo qaban qaabisay hay’adda Puntland u qaabilsan AIDS-ka ee PAC, ayaa looga hadlay cudurkan iyo sida bulshada looga wacyigalin lahaa, waxaana dadweyne kala duwan oo kula bisan Funaanado iyo boorar lagu xardhay hal ku dhigyo midaysan ay socod kusoo mareen waddooyinka magaalada Garoowe. Sidoo  kale waxaa xafladda dabaal degga maalintan lagu qabtay xarunta Jaamacadda PSU.

Guddoomiyaha hay’adda PAC, Cabduqaadir Maxamed Bur-burshe, ayaa sharaxaad ka bixiyay waxqabadka xaruntan, isagoo tilmaamay in sannadkan uu ka duwanyahay kuwii hore oo ay munaasabadda maalinta ka sameeyeen Shan gobol, halka wacyigalin ay ka bilaabayaan masaajidda, goobaha waxbarashada iyo warbaahinta.

“Sannadkan waxaa laga xusayaa maalinta degmooyinka Puntland, sidoo kale waxaa casho sharafyo iyo munaasabado waxa la isaga weydiinayo cudurkan lagu qabanayaa meelo ka baxsan Puntland, waxaan sidoo kale wacyigalino

Agaasimaha oo sidoo kale sheegay in ay korodhay tiradada dadka la nool cudurkan oo sida uu xusay u badan dumar, wuxuuna sabab uga dhigay wacyigalin la’aan dadka haysatada

“Cudurkan waxaa faafinaya, dadkeenu wali uma wacyigalinsana, waxaa sidoo kale faquuq lagu hayo dadka la nool cudurkan oo keentay Aargoosi iyo cadowtinimo.”

Mid kamid ah dadka la nool cudurkan ayaa sheegay inaysan helin xuquuqdii iyo ixtiraamkii ay ku lahaayeen bulshada.

“Waxaan kamid ahaa ciidamadii Soomaaliya, kuwa Puntland, xanuunkan waa i asiibay, xaaskaygii waa dilay… Markii cudurkan igu dhacay waxaan ahaan Kornayl kamid ah ciidamada Puntland shaqadii waa la iga ruqseeyay,” sidaas waxaa yiri Maxamud Warsame Maxamud oo kamid ah dadka la nool cudurkan.

Maxamud ayaa sidoo kale eedeeyay shacabka Puntland oo uu ku dhaliilay inay dayaceen takooreen islamarkaana ka qayb qaateen inuu fido cudurkan.

Qaar kamid ah dadkii kasoo qayb galay oo isugu jiray mas’uuliyiin kasocotay dowladda iyo bulshada rayidka ah ayaa ugu tilmaamay inay ka qayb qaadanayaan

Cismaan Diiriye Kulane, oo kamid ah guddiga Barlamanka Puntland ee Arrimaha Bulshada, ayaa sheegay inay samayn doonaan Sanduuq dadkan wax loogu aruurin doono, isagoo bulshada ugu baaqay inay door ka qaataan sidii dadka wax loo tari lahaa.

Dhinaca kale waxaa caawa la filayaa in Garoowe lagu qabto munaasabad casho ah oo u dhaxaysa dadka la nool cudurkan iyo bulshada fayow taasoo uu kasoo qayb gali doono Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Ugu dambayn goobtii xafladdu ka socotay waxaa joogay bahda caafimaadka, waxaana baaritaan lagu sameeyay dadkii kasoo qayb galay munaasabadda taasoo ahayd mid qofkii raba uu tagayay, waxaana is-baaray mas’uuliyiin ay kamid yihiin Xildhibaan Kulane iyo Agaasime Tigaana kuwaasoo helay natiijo caafimaad qab ah.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST