Xubno u tartamayey cidda noqonaysa Agaasimaha Mac-hadka shaqaalaha Puntland oo maanta laga qaaday Imtixaankii Afka ahaa

Xarunta hay’adda  shaqaalaha rayidka ee dawladda Puntland ayaa maanta lagu qaaday imixaankii  afka ahaa (Interview)-ga ee loogu tartamayey qofka noqon doona agaasimaha guud ee Mac-hadka Tababarrada shaqaalaha rayidka ah ee dawladda.

Tababarka ayaa waxaa soo xaadiray dhammaan tartaayaashii iyadoo si toos ah loo weydiinayey su’aalo afka ah oo la xiriira aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin arrimaha la xiriira maamulka iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha dawladda.

Imtixaankaan afka ah ayaa waxaa qaadayey guddi kala duwan oo loo xilsaaray inay ilaaliyaan bed-qabka imxaanka bulshadana kalsoonidooda ilaaliyaan isla markaana ay daacad ka ahaadaan habsami usocodka imtixaanka.

Guddigaas ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda shaqaalaha rayidka ah Jaamac Xirsi Faarax, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Cabdinaasir Biixi Soofe, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo SHaqaalaha Axed Cabdalle Tigaana, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshayn Xuseen Cabdi Jaamac, Guddoomiyaha Jaamacadda Puntland State Maxmuud Sheekh Xaamud, Yusuf Daahir oo ka tirsan Xafiiska mashruuca ee PCU iyo Abdalla Mutawafi oo ka socdey Baanka adduunka.

Qaabkan cusub ee loo qaadayo imtixaanka shaqaalaha dawladda ayaa guud ahaanba ka duwanaa sidii markii hore loo qaadi jirey imtixaanka shaqaalaha, sidoo kale tartamayaashii ka qayb qaatay Imtixaanka ayaa aad u ammaanay qaabkan cusub ee ay shaqadu u socotey  iyagoo xaqiijiyey inay kalsooni buuxda ku qabaan natiijada la filayo inay kasoo baxdo.