Natiijada Doorashada Somaliand oo goordhow lagu dhawaaqayo

Wararka Puntland Post ay ka heleeyso Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow lagu dhawaaqi doono Natiijada doorashada Somaliland.

Wariyaasha ayaa hadda looga yeeray goob guddiga doorashada Somaliland ay ku shaacinayaan natiijada doorashada.

Waxaa si hordhac ah u qaadacay natiijada doorashada Somaliand Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani ahna musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in doorashada lagu shubtay.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in guddiga ay ku dhawaaqi doonaan in Muuse Biixi uu ku guuleeystay Doorashadii ka dhacayday Somaliland.

Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa heegan buuxa la galiyay waxaana laga cabsi qabaa in iska hor imaadyo qasaaro geeysta ay ka dhacaaan kadib markii doorashada lagu dhawaaqo deegaanada Maamulkaasi.

Dad badan ayaa shaki ka qabo madaxbanaanida doorashadaan ka dhacday Maamulka Somaliand oo lagu eedeeyno in ku shubasho ay dhacday .

Faah Faahinta dib kala soco Insha allah 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post