Baarlamanka Midowga Yurub oo shaaciyey halka dhaqaalaha ugu weyn ka soo galo Al-shabaab.

Baarlamanka Midowga Yurub ayaa Golaha Amniga Qaramada Midoobay ugu baaqay in ay si deg deg ah wax uga qabtaan dhoofinta dhuxusha Soomaaliya oo weli sii socota,taasoo ay ku tilmaameen halka dhaqaalaha ugu weyn ka soo galo ururka Al-shabaab.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale Al-shabaab ku eedeeyey in ay carra-guur baahsan ku hayaan degaannada dhuxusha laga dhoofiyo ee Soomaaliya,islamarkaana xaalufiyeen dhul daaqsimeedkii reer guuraagu xoolaha ku raacanjiray,sida lagu sheegay qoraalka uu soo saaray Baarlamanka Yurub.

Qoraalka waxaa kale oo looga hadlay qaraxii 14 October ka dhacay is-goyska Soobe ee magaalada Muqdisho,kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 358 ruux,waxaana Baarlamanka yurub ku tilmaamay qaraxaas“mid kamid ah weeraradii argagixiso ee ugu xumaa caalamka sannadihii ugu dambeeyey”.

Baarlamanka Yurub ayaa dhinaca kale Al-shabaab ku eedeeyay in ay hor taagan yihiin gargaarka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed tan iyo markii macluushii ugu xumeyd ka dillaacday dalka sannadkii 2011,iyagoo hay’adaha gargaarka u diiday in ay caawiyaan dadkii dhimanayey xilligaas.

Warka uu soo saaray Midowga Yurub waxaa baaq loogu jeediyey guddiga daba-galka qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya in ay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan dhaqaalaha Al-shabaab ka hesho khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

 

PUNTLAND POST