Al-shabaab oo Weerartay Ciidammo ka Tirsan kuwa Dowlada oo ku socday degmada Jowhar

Muqdisho (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerartay Gaari ay saarnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda xilli ay marayeen inta u dhexeysa degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa lagu dilay weerarkaas oo ahaa mid qorsheysan, halka afar askari oo kalena lagu dhaawacay, iyadoo la sheegay in gaariga iyo ciidamaduba ay kusii socdeen degmada Jowhar oo ah xarunta maamulka Hirshabeelle.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Golaley, waxaana la sheegay inay ka baxsadeen goobta kooxihii rasaaseeyay askartan. Inkastoo ay dableyda iyo ciidamadii dowladda ee weerarka ka badbaaday ay qadar kooban ay dhex-martay is-rasaaseyn.

Inkastoo aysan weli maamulka Hirshabelle iyo Dowladda Somalia aysan ka hadlin weerarkan ayaa haddana Al-shabaab waxay sheegtay inay weerarkan ka dambeysay, ayna ku dileen laba laba askari shan kalena ay dhaawacyo u geysteen, isla markaana ay ka furteen hub.

Dhanka kale, Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweynaha maamulka Hirshabelle uu maamlo ka hor sheegay inaan lagala tashan maamulkiisa weerarkii Al-shabaab lagu qaaday ee ka dhacay deegaan ku dhaw Degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Ugu dambeyn, Weerarkan maanta ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa qalqal ku abuuri kara mas’uuliyiinta Hirshabelle oo badankood adeegsada Waddadan marka laga reebo madaxda sar-sare oo iyagu raaca diyaarad.

PUNTLAND POST