Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Imaaraadka Carabta.Muxuu kala kulmay?

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Abu-Debai ee Caasimadda Imaaraadka Carabta halkaasoo uu ku tegay booqasho rasmi ah,kadib markii uu casumaad ka helay madaxda dalkaasi.

Madaxweyne Farmaajo waxaa safarka ku weheliya Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha debadda Soomaaliya C/qaadir Axad Khayr,xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya,taliyaal iyo xubno kale,sida ay soo werisay wakaaladda Wararka SONNA.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmi doona madaxda Isutaga Imaaraadka Carabta,wuxuuna kala hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal,iskaashiga dhinacyada Ammaanka,dhaqaalaha iyo la-dagaallanka arggagixisada(SONNA).

Xiriirka Imaaraadka carabta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xumaanayey tan iyo markii Soomaaliya go’aan dhex-dhexaadnimo ah ka qaadatay muranka khaliijka,inkastoo qaar kamid ah maamul goboleedyada ay khilaafeen Dowladda Federaalka,islamarkaana la safteen xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee go’doomiyey Qadar.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa Imaaraadka ku eedeeyey in ay ku xad gudubtay qarannimada Soomaaliya oo ay maamul goboleedyada iyo Fderaalka iska horkeenayso,sida ay hadalka u dhigeen,inkastoo aanay jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay warkaasi.

PUNTLAND POST