Turkiga oo indhaha u fiiqay saddex kun oo Soomaali ah.

5 dhakhtar oo Soomaali ah ayaa jimcihii shalay ka qalin-jebiyey dugsi caafimaad oo uu maamulo NGO laga leeyahay dalka Turkiga,kaasoo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Dhakhaatiirta ayaa shahaadooyinkooda ka helay barnaamij ay  qaban-qaabisay Doctors Worldwide Turkey (DWWT) xaflad ka dhacday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Safa Simsek oo ka tirsan NGO-ga ayaa yiri”Marka laga soo tago sagaal dhakhtar oo sannadkii hore ka qalinjabiyey barnaamijkan, oo aan bilownay sannadkii 2013, shan dhakhtar oo dheeraad ah ayaa ka qalinjabiyey sannadkan, oo ay ku jiraan saddex dhakhtar oo guud iyo laba dhakhtar oo dawooyinka qaabilsan”.

Simsek waxa kale oo uu tilmaamay in Maxammed Cismaan, oo ah 12-sano jir Soomaali ah,islamarkaana indha belay lix sano ka hor  ay dhakhaatiir Turki ah indhaha ugu fiiqeen qalliin lacag la’aan ah.

“Ilaa iy hadda waxaan indhaha u fiiqnay  saddex kun oo Soomaali ah”,ayuu raaciyey.

PUNTLAND POST