Madaxweyne Siilaanyo oo war ka soo saaray doorashada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxammed Maxamuud (Siilaanyo) oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka warbixiyey doorashadii Maalintii Isniinta ee 13 Nov ka qabsoontay degaannada Somalinad,taasoo uu ku tilmaamay mid si nabad gelyo iyo xasilooni leh u dhacday.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in doorashadu si habsami iyo hufnaan leh uga qabsoontay 1642 goobood oo ku yaalla 21 degmo oo ka tirsan lixda gobol ee Somaliland,islamarkaana sanaaqiiqdii codbixinta si nabad ah lagu geeyey loogana soo celiyey dhammaan goobahaasi sida uu hadalka u dhigay Siilaanyo. Sidoo kale wuxu tilmamaay in afar goobood oo keliyah aan doorasho ka dhicin arrimo la xiriira muran degaan.

“Doorashadu waxay si habsami iyo hufnaan leh uga qabsoontay 21 degmo-doorasho oo hoostaga lixda gobol ee dalka,taas waa taariikhda markii ugu horreysay ee dhulka Somaliland oo dhan doorasho hal mar si habsami leh uga wada dhacdo. Guddiga doorashooyinka Qaranku waxay dalka u asteeyeen 1642 goob doorasho oo kamid ah degmooyinka kala duwan ee kor ku xusan. waxaam shaacabka Somaliland ku xog-siinayaa in sanaaduuqdaas nabad lagu geeyey lagagana soo celiyey goobihii laga codaynayey dhammaantood,waxaa kaloo aan xaqiijinayaa in afar goobood oo qura dalka aan doorasho ka dhicin arrimo la xiriira muran degaanno”,ayuu yiri madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in doorashada qaybteedii hore u dhacday si wanaagsan oo adduunka looga riyaaqay,islamarkaana magac iyo maamuus u soo jiidday Somaliland,balse sida uu hadalka u dhigay “quruxdii iyo qiimihii doorashada” ay shakhsiyaad kooban isku dayeen in ay wiiqaan,kadib markii ay rabashado ka abaabuleen magaaalooyinka Hargeysa, iyo Burco.

“Waxaan hoggaamiye ahaan ka xumahay in quruxdii iyo qiimihii aannu samaynay ay isku dayeen shakhsiyaad kooban in ay qoomaan,waxaa habeenkii xalay qayb kamaid ah suuqyada Hargeysiyo Burco rabshado ka sameeyay taageerayalla kiciyey iyadoo aan guddiga doorashooyinku soo saarin wax natiijo ah“ayuu yiri.

Khasaaraha rabashadahaas ka dhashay ayuu ku sheegay dhimashada laba ruux oo shacab ah iyo dhaawaca ilaa 19 askeri oo kamid ah ciidamada,isagoo ka tacsiyeey dhibaatadaas. Ciidamada Ammaanka ayuu maadxweyne Siilaanyo ka codsaday in ay shacabka ilaaliyaan oo dulqaadna muujiyaan haddii rabshado dhacaan.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa soo saaray amar ku aaddan inaan xisbina ku dhawaaqi karin in uu guulaystay inta ay ka soo baxayso natiijada rasmiga ah ee ay shaacinayan guddiga doorashada Somaliland,iyo inaan wax damaashaad ah la samayn karin inta looga ay soo baxayso natiijada kama dambaystaa.. Sidoo kale hay’adaha amniga ayuu madaxweyne Siilaanyo faray in ay daba-gel ku sameeyaan dadka ku hawlan kicinta rabshadaha.

“Waxaan farayaa hay’adaha amniga in ay daba-gel buuxa ku sameeyaan dadka ku hawlan dibin-daabyeynta dalka iyo abuurista colaad sokeeyey,waxaa wajib ah in la horkeeno garsoor iyo caddaalad madax-bannaan.Waxan ugu baaqayaa musharrixiinta iyo madaxda xisbiyada qaranka in ay xakameeyaan carada iyo caaddifadda taageerayaashooda”,ayuu yiri madaxweynuhu.

Xisbiyada ayuu ugu baaqay in ay dariiq saxa u maraan cabashooyinkooda,una hoggaansamaan awaamiirta guddiga doorashooyinka,isagoo musharrixiinta tartamaysana xasuusiyey in aanay guul keliyah sugin,balse ay ku talo galaan guul iyo guul-darro labadaba.

Madaxweyne siilaanyo ayaa shirkiisa jaraa’id ku soo gebo-gabeeyey hambalyo uu u diray guddiga doorashada Somaliland oo uu sheegay in ay guteen xilkii iyo waajibaadkii saarnaa,wuxuuna kula dardaarmay in ay iska ilaaliyaan”guddoon jilicsan iyo gar eexo”.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar