Robert Mugabe oo markii ugu horreysay lagu arkay Fagaare tan iyo markii Ciidamadu…


Harare (PP) ─
Madaxweynaha Zimbabwe Robert G. Mugabe ayaa markii ugu horreysay lagu arkay meel fagaare ah tan iyo markii ciidamadu ay maalmo ka hor xukunka la wareegeen, isla markaana lagu soo rogay inuu gurigiisa xabsi ku ahaado.

Robert Mugabe ayaa ka Qayb-galay xaflad qalin-jabin ah oo lagu Qabanayay Jaamacadda Zimbabwe oo uu ka mid yahay madaxda Jaamacadda, Wuxuuna halkaas ka jeediyay khudbad dheer.

Mugabe, ayaa markii uu Jaamacadda gaaray aad ayaa loogu shacabo tumay, iyadoo loo fidiyay roog guduusan, waxayna tani u muuqataa in weli uusan ka tagin xilka, tallaabadii millateriga aan la aqoon weli inuu afgambi ahaa iyo in kale.

Sidoo kale, Madaxwenaha Zimbabwe ayaan waxaa la socon xaaskiisa Grace iyo waliba Wasiirkii Waxbarashada Jonathan Moyo oo Grace isbahaysi la leh, kuwaasoo inta badan la socon jiray marka uu xafladan oo kale tagayo.

Hoggaanka Ciidamada dalkaas ayaa sheegay inay wax-xoogaa horumar ah ka sameeyeen Wadahadallada ay la leeyihiin Mugabe oo xabsi guri ku jiray, inkastoo warar kala duwan ay soo baxayaan, lana sheegay inuu Mogabe ku gacan-sayray inuu xilka ka dago.

Robert Mugabe ayaa shahaado Guddoonsiiyay Marry Chiwenge oo ah xaaska taliyaha ciidamada ee awoodda kala wareegay, sida ay tabisay Warbaahinta Dowladda Zimbabwe.

Dhanka kale, Ciidamada Millateriga dalkaas ayaa tallaabo qaaday markii uu madaxweynuhu shaqada ka eryay ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa oo loo yaqaan Yaxaas, kaasoo loo arkay inuu yahay ninka ay suuro-galka tahay inuu badali doono Mugabe. Balse Mugabe ayaa xaaskiisa u waday in ay isaga badasho.

Xaaska Madaxweynaha Grace Mugabe ayaa waxaa malaynayay in ay dalka ka baxday, ayaa waxaa la ogaaday inay wali guriga la joogto Mugabe, balse ma aysan hadlin tan iyo xilligaas, waxaana la sheegay in dhibaatada taagan ay ka dhalatay markii madaxweynuhu uu damcay inuu xilka ku wareejiyo.

Madaxweynaha Zimbabwe ayaa waxaa la sheegay inuu muuqdo mas’uul sharaf weyn leh, iyadoo dhaqanka dadka Zimbabwe aanu ogoleyn in dadka gaboobay aan lagula dhaqmin wax xushmad darro ah, iyadoo aanu ku jirin Mugabe oo loogu yeerayo Aabbaha Qaranka

Ugu dambeyn, Saraakiisha Ciidamada iyo Mugabe waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u qoto-dheer, waxayna u hayaan xushmad aad u weyn, mana sahlana in kalsoonidaas ay si sahlan ku burburto.

PUNTLAND POST