Xildhibaanno diyaarinaya Mooshino ka dhan ah Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxmed Sheekh Jawaari ayaa wajahaya laba mooshin oo is-bar-bar socota oo ay ka diyaariyeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada mooshinnadan diyaaryay qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa ii xaqiijiyay inay ugu yaraan 50 mudane ay gudbiyeen mooshin ka dhan ah guddoomiye Jawaari, kaasoo lagu daray ajandaha baarlamaanka, sidoo kalena lagu hawlan yahay mooshin kale oo looga hor-jeedo Jawaari.

Mooshinkii hore loo gudbiyay ee lagu soo daray ajandaha Baarlaaanka ayaa ku qotamay qaladaad ka jira dhismaha guddiyada baarlamaanka, murankaas oo soo bilaawday markii la dhisay guddiyada.

Sidoo kale, Mooshinkan ayaa waxaa dabada ka riixaya guddoomiyaashii hore ee guddiyada joogtada ah ee baarlaanka qaarkood, kuwaasoo intooda badan aan nasiib u yeelan inay xilalkoodii kusoo laabtaan.

Labadii casho ee lasoo dhaafay ayaa kulammada Baarlamaanka u baaqdeen muran ka dhex-jira xildhibaannada, gaar ahaan guddoomiyaha iyo xubnihii mooshinka ka diyaariyay.

Dhinaca kale, Hoteello ku yaalla Muqdisho ayaa waxaa ka socda diyaarinta mooshin kale oo ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, kaasoo noqonaya mooshinkii labaad oo ka dhan ah Prof. Jawaari.

Xildhibaannada ku mashquulsan mooshinka labaad ayaa warbaainta qaar ka mid ah u xaqiijiyay inuu salka uu ku haayo ku takri-fal awoodeed oo ay ku eedeeyeen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Qodobbada aadka loogu muransan yahay ayaa waxaa ka mid ah shaqaalaha baarlamaanka tiradooda iyo lacago lagu sheegay Qaaraan oo bil walba laga jaro xildhibaanada. Iyadoo xildhibaannadu ay sheegeen in tirada shaqaalaha baarlamaanka ay gaarayso 380-qof oo mushaari ah dadka shaqeeyana ay ka yar yihiin 40-qof.

Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa sheegay in bil walba Mushaarkooda laga jaro $100 oo ah Qaaraan loo qorsheeyay xildhibaankii dhinta ama xanuun iyo dhib kale uu lasoo darso, taasoo ay sheegeen inaan la ogeyn halka ay ku baxdo, iyadoo aanay jirin xildhibaan wax loogu qabtay lacagaha.

Dhanka kale, Safarrada dibadda ee Guddoomiye Jawaari ayuu muran xoogan ka taagan yahay, iyadoo xildhibaannadu ay ku eedeeyeen guddoomiyaha in shaqsiyaad ku dhaw-dhaw xafiiskiisa oo kaliya ay u raacaan safarrada uu ku aadayo dalka dibaddiisa.

Ugu dambeyn, Lama oga halka uu ku dambeyn doono mooshinka laga wado Prof. Jawaari oo xilligaan iyo xilligii ka horreeyay ahaa guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ahaa guddoomiye ay jecel yihiin gabi ahaan xildhibaannada baarlamaanka.

PUNTLAND POST