Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka baxay shirkii Golaha Wasiirrada


Muqdisho (PP) ─
Xubno ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa sheegay in wasiirka maaliyadda Somalia C/raxmaan Ducaale Bayle uu ka baxay shirkii Khamiislaha ahaa ee ay golaha wasiirrada Somalia joogtada ugu yeeshaan Muqdisho.

Tallaabadan uu qaaday Wasiir Bayle ayaa la sheegay inay ku timid, kaddib markii muran daqiiqado socday uu soo dhex-galay isaga iyo Ra’iisul wasaare Khayre, inkastoo aan la ogeyn wuxuu murankan salka ku hayo.

“Wasiirka iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaa soo dhex-galay muran, taas ayaana keentay inuu shirka oo socda dibadda uga baxo, welina waxaa socda shirkii ay golaha wasiirradu lahaayeen oo doodo adag la isku dhaafsnayo,” ayay u sheegeen wasiirro ka tirsan xukuumadda qaar ka mid ah warbaahinta.

Shirka oo billowday saakay 9:15 daqiiqo ayaa weli socda, iyadoo dhamaan xubnaha ka qayb-galaya ay is-dhaafsanayaan dodo kulul oo intooda badan salka ku haya hawlaha xukuumadda Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Wasiirrada xukuumadda ayaa horay ugu eedeeyay RW-ha inuu fara-gelin ku hayo hawlahooda shaqo, iyadoo wasiirrada Xukuumadda ay ka digeen fara-gelinnada lagu hayo shaqooyinkooda gaarka ah.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo shalay ay xilkii iska-casishay Wasiirradii Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maryan Qaasim Axmed oo sheegay inay salka ku hayso is-casilaadeeddan is-barbar-yaac ka jira dhex-jira shaqada Xukuumadda Federaalka Soomaaliay.

PUNTLAND POST