Masuul ka tirsan maamulka Galmudug oo is casilay

Agaasimihii guud iyo xariiriyaha arrimaha bani aadanimada ee Wasaaradda Gargaarka dowladd goboleedka Galmudug Ahmed Weheliye ayaa xilkaasi iska casilay kadib musuqmaasuq baahsan oo ka jira Galmudug sida uu sheegay.

Ahmed Weheliye ayaa tilmaamay in labo sano ku dhawaad oo uu shaqadaan hayay in aan wax gargaar ah si nadiif ah loo gaariisin dadka tabaalaysan balse ay farxad u tahay inuu si bilaash ah labo sano in ku dhow ugu shaqaynayay dadka deegaanka uuna ka faa’iid khibrad iyo waaya aragmigo.

Weheliye ayaa Shaqdaan qabtay December 2015-kii waxayna is Casilaadiisa ku soo aaday Xili la baahiyay in gargaarkii Dowladda Turkiga ugu deeqday dan yarta Galmudug in lagu  iibinayo Xarumo Ganacsi oo ku yaala Magaladda Cadaado.

PUNTLAND POST