Uganda oo albaabada u laabtay jaamacad shahaadooyin been abuura siisay wasiiro Soomaaliyeed

Dawlada Uganda ayaa xaqiijisay inay albaabada u laabtay Jaamacad lagu magacaabo Stanford markii la ogaaday inay bixisay shahaadooyin been abuura oo ay ka qaateen qaar kamida wasiirada Dawlada Federaalka ee Soomaaliya sida uu qoray wargeyska Afka dheer ee New Vision oo kasoo baxa magaalada Kampala.

Shahaadooyinkan ayaa loo soo mariyey wasiirada katirsan Dawlada Soomaaliya jaamacad kale oo lagu magacaabo Job-Key  oo ku taal magaalada Muqdisho taas oo ay wada shaqayn leeyihiin jaamacada la xiray ee Stanford, waxaana la sheegay in jaamacada Job-key ay iyadu jaamacadan ka dalbatay shahaadooyinkaas.

Inkastoo aan ilaa iminka la xaqiijin magacyada wasiirada qaatay shahaadooyinkan been abuurka ayey hadana Warbaahinta PUNTLAND POST waxay bilowday baaritaano dheeriya oo ku saabsan arintan si loo ogaado shaqsiyaadka qaatay shahaadooyinkan galaaftay jaamacada lagu magacaabo Stanford.

Maahan markii ugu horay oo ay Dawlada Uganda xirto jaamacad masuuliyiin Dawladaha Afrika siisay shahaadooyin been abuura, Sidoo kale dhawaan ayey ahayd markii loo yeeray guud ahaan ardaydii ka qalin jabisay sanadkii 2011 jaamacada ugu weyn wadankaas oo lagu MAKARERE markii la ogaaday in qaar kamida shahaadooyinkii la bixiyey ay ardaydu natiijooyinkii iibsadeen.

PUNTLAND POST