Madaxweynaha Puntland oo Degmada Dhudhub u magacaabay Guddoomiye iyo ku-xigeen

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Xeer Madaxweyne Lr- 134 November 11 2017  ayaa loogu magacaabay si kumeel gaar ah degmada Dhudhub  Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                                   Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:                         Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

 

Wuxuu xeeriyey:

 

  1. Waxaa Cali Maxamed Ismaaciil si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha degmada Dhudhub.

 

  1. Waxaa Jaamac Maxamed Saciid si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Dhudhub.

 

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiisay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *