BBC-da oo Murashaxiinta Saddexda Xisbi ee Somaliland u Qabatay Dood Xasaasi [DAAWO]


Hargeysa (PP) ─
Idaacadda BBC-da laanta afka Soomaaliga ayaa shalay u qabtay dood kulul musharraxiinta doorashada madaxweyneha ee saddexda xisbi ee ka jira Somaliland, kuwaasoo lagu weydiiyay su’aalo isugu jira kuwo xasaasi ah iyo kuwo kale.

Dooddan ayaa waxay u dhexeysa Inj. Faysal Cali Waraabe oo u tartamaya xisbiga UCID, Muuse Biixi Cabdi oo u tartamaya xisbiga KULMIYE ee hadda talada haya iyo weliba C/raxmaan Maxamed C/llaahi [Cirro] oo WADDANI u tartamaya.

Qodobbada sida aadka ah looga dooday ayaa waxaa ka mid ah hanaanka ay u marayaan musharraxiinta ictiraaf raadinta Somaillland, Sidoo kale sadexda musharrax ayaa ka hadlay la-safashada ay Somaliland la safatay Wadamada Imaaraadka iyo Sucuudiga.

Haddaba, DAAWO; Doodda ay BBC-du u qabtay Musharraxiinta Somaliland;

PUNTLAND POST