Shir ku saabsan tacadiyadda ka dhanka ah caruurta iyo haweenka oo lagu qabtey Garowe

Shir ku saabsan wada hadalada bulshadda qaybeheeda kala duwan sida laamaha aminga,gudoomiyaasha xaafadaha,barakacayaasha,wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska ayaa maanta lagu qabtay maagaalada Garowe ee caasumada Dowlada Puntland.

Hay,adda GRT oo ka shaqeysa tacadiyadda  ka dhanka ah  haweenka iyo caruurta ayaa soo qabanqaabisay shirkan, waxaana daahfurtey Maamo Safiyo oo ka socotay Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska  Puntland,waxayna sheegtay in falalka ugu badan ee ka dhaca deeeganada Puntland loo gaysto haweenka iyo caruurta,Iyadoona xustey inay  goob joog u ahayd kiisas badan oo noocaan oo kale ah kuwaas oo badankooda wax laga qabtay.

Dhinaca kale Muxubo Siciid Maxamed oo ah madaxa ilaalinta tacadiyadda ka dhanka ah caruurta iyo haweenka ee Hay,adda GRT ayaa sheegtay inay  kasoo diyaariyeen barakacayaasha iyo dadka kale ee loo gaystay kufsiga iyo tacadiga kiisas badan.

Ugu dambeyn  Bashiir Yuusuf Maxamuud  oo ah madaxa Hay,adda  GRT ayaa sheegay inay ka go,an tahay sidey gacan weyn uga geysan lahaayeen u qareemida iyo dabargoynta kufsiyadda iyo tacadiyadda loo gaysto haweenka iyo caruurta,wuxuuna fariin u diray cid kasta oo ku lug leh ka shaqaynta arimahaan inay xoojiyaan sdiii meesha looga saari lahaa tacadiyadda noocaan oo kale ah.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST