Ajaaniib kasoo talaabay Somaliland oo tagey Degmada Xaafuun

Wararka laga helayo Degmada Xaafuun ee Gobolka Karkaar ayaa sheegaya inay halkaas shalay gaareen ku dhawaad 10 qof oo ah ajaaniib u dhashay dalal shisheeye, kuwaas oo wararku sheegayaan inay maalin ka hor safar dhulka ah kaga soo talaabeen xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Puntland.

Ma jirto xog tilmaamaysa dalka ay u dhasheen, wallow warar madax banaan sheegayaan inay kasoo jeedaan dalka South Africa,mana jirto  faahfaahin rasmiya oo laga hayo ujeedada uu ku qotomo socdaalka ay ku tageen deegaano ka tirsan xeebta Badweynta Hindiya.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Xaafuun ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta PUNTLAND POST saacado yar ka dib inay dib usoo laabteen,islamarkaana ay caawa ku hooydeen magaalaada Garowe.

Wararka la isla dhexmarayo ayaa intaas ku daraya inay ka dambeysay soo laabashadooda amar uu bixiyay Madaxweyne kuxigeenka Ahna kusimaha Madaxweynaha Puntland ka dib markii loo sheegay inaysan u warhayn masuuliyiinta Amnigu soo galitaankooda gudaha Puntland,Marka laga reebo saraakiil hoosaad ka tirsan Madaxtooyadda iyo Xubno kale  oo ku wehliyay socdaalkii ay ajaaniibtan ku tageen Xaafuun.

Dhinaca kale sawiro ay ku baahiyeen baraha bulshada dhalinyaro ku wehlisay socdaalka ayay ku sheegeen ujeedada safarkooda Dalxiiska cirifka ugu dambeeya Qaaradda Afrika oo ku beegan degmada Xaafuun.

Ilaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay Dowladda Puntland,oo tafaasiil ka bixinaya ajaaniibtaan kasoo socdaaley deegaano hoostaga maamulka Somaliland

XAAFUUN.

PUNTLAND POST