Madaxweynaha Jubaland oo canaantay Madaxda ku shireysa Muqdisho

Madaxweynaha Jubaland  Axmed Madoobe  ayaa khudbadii ugu kuleyd abid ka jeediyay madasha ay ku shirayaan Hogaamiyaasha Maamulladda Dalka iyo Madaxda Dowladda Federalka Soomaaliya, wuxuuna si kulul ugu canaantay Madaxda Dowladda inay meesha ka saaraan dhaqamo laga soo minguuriyay dadka haysta diimaha kale.

Hadalka Axmed Madoobe uu ka jeediyay goobta  shirku ka socdo ee magaalada Muqdisho waxaa fadhiyay Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,Raysal wasaaraha Dowladda Federalka Xasan Kheyre, Madaxweynayaasha Galmudug,Puntland,Koonfur Galbeed,Hirshabelle, iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo gacanta ay ugu xirnayd maro gaduudan.

Wuxuu si weyn u dareen galiyay hadalka Madaxweyne Axmed Madoobe shacabka Soomaaliyeed oo iminka la ildaran baahida ay u qabaan xasilooni iyo nabad kusoo dabaalida dalka.

Intii uu socday hadalka Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu ku bixiyay talooyin muhiim ah oo lagula dagaalami karo kooxaha dalka ka geysta qaraxyada iyo falalka amni daro.

Daawo Khudbadda Axmed Madoobe.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST