Aaska General Maxamed Abshir oo ka qabsoomaya dalka Mareykanka

Ugu dambeyntii qoyska General Maxamed Abshir Muuse oo geeriyooday 26, October 2017,Masuuliyiin ka socda Dowladda Federalka Somalia iyo Dowladda Mareykanka ayaa isku afgartay in marxuumka lagu aaso maanta oo ay taariikhdu tahay 29 October 2017 dalka Mareykanka sida ay u xaqiijiyeen Warbaahinta PUNTLAND POST qaar ka mid ah eheladda General Maxamed Abshir Muuse.

Sababta keentay maalmo ka dib in la go,aamiyo meesha uu ka qabsoomayo aaaska Marxuumka ayaa ka dambeysay ka dib markay Dowladda Soomaaliya ka codsadeen qoyska A.U.N Maxamed Abshir in loo tixgaliyo in lagu aaso meesha uu ku geeriyooday.

General Maxamed Abshir Muuse ayaa taariikh mug weyn ku lahaa dalka Soomaaliya iyo Qaaradda Afrika, wuxuuna ahaa qofkii ugu horeeyay oo Soomaaliya oo qaata darajada Jeneralnimo,Sidoo kalena wuxuu noqday Taliyihii ugu horeeyay ciidanka booliska Soomaaliya sanadkii 1948-dii.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST