Khasaaraha Weeraradii Hotel Nasa-Hablod Laba oo Kordhay iyo Rasaas weli la Maqlayo

Muqdisho (PP) ─ Saraakiil ka tirsan booliiska Somalia oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay weerarradii Hoteel Nasa-hablood laba oo ku yaalla degmaad Xamar-weyne ee Muqdisho inay kor u dhaafayaan 20-qof, dhaawucuna uu intaas ka badan yahay.

Weerarkan ayaa dadkii ku dhintay waxaa ka mid ah xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamaankii hore ee Soomaaliya, kaasoo lagu magacaabi jiray C/naasir Gaarane, sidoo kalena waxaa ku dhintay sarkaal ciidan oo aad loo yaqaanay.

Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa weli ku dhex jira hoteelka, halkaasoo la sheegay inay kula dagalamaayaan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Somalia ayaan si rasmi ah weli uga hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkaas, waxaase ay sheegeen inay ka wabixin kasoo saari doonaan  marka hawl-galkooda ay soo af-jaraan.

Qaraxyada lagu weeraray hoteelka Nasa-hablood laba ayaa si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho, waxaana qarxyadan ay mar kale dambqiyeen qalbi-jabkii shacabka kasoo gaaray weerarkii Isgoyska Zope ee Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen dad ku dhaw 400-qof.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sheegay in sababta ay u weerareen hoteelka Nasa-hablood ay tahay inay deggenaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia iyo inuu leeyahay Wasiirka Amniga Somalia Ducaale, inkastoo aanu Wasiirku ka hadlin sheegashada Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Hoteel Nasa Hablood Laba ayaa ku yaalla Dhismihii hore ee Safaaradii Shiinaha ee Somalia, isagoo ku dhaw Hoteelkii hore ee Shabeele, waana goob aad u mashquul badnayd, inkastoo ay horay khataro badan ula kulantay, balse weerarkan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee Hoteelkaan lagu qaado.

DAAWO: SAWIRRADA WEERARKII HOTEEL NAASA-HABLOOD LABA EE MUQDISHO;

PUNTLAND POST