Ronaldo oo ku guulestay Abaalmarinta laacibka FIFA ee Sanadkan

Sannad ka dib, mar kale Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay abaalmarinta The Best ee xiddiga dunida ugu fiican isagoo ka qaaday abaalmarinta Lionel Messi laakiin markaan codadka ka badan too sannadkii hore ee 2016 ayuu uga qaaday.

Ronaldo ayaa helay 43.16 boqolkiiba codadkii ay dhiibteen kabtanada, tababarayaasha, iyo joornaaliistayaasha iyo taageerayaasha kubada cagta dunida, halka Messi uu helay 19.25 boqolkiiba iyadoo Neymar uu kaalinta 3aad ku dhameystay isagoo helay 6.97 boqolkiiba.

Sannadkii hore abaalmarinta ‘The Best’, xiddiga reer Portugal ayaa helay 34.54 boqolkiiba marka loo eego xiddiga reer Argentina oo markaas helay 26.42 boqolkiiba.

Sannadkan, khabiirada kubada cagta dunida ayaa u arkay in Ronaldo uu si weyn uga fiican yahay dhigiisa ay sida weyn u xafiiltamaan madaama uu sii balaartay farqiga codeynta ee u dhaxeeya labada nin.

Dhanka kale, Zinedine Zidane ayaa isna codad ka badan Ronaldo helay oo gaaraya 46.22 boqolkiiba isagoo abaalmarinta tababaraha sannadka ee 2017 ka qaaday Antonio Conte oo helay 11.62 boqolkiiba iyo Massimiliano Allegri oo isna helay 8.78 boqolkiiba.

Marka ay timaado goolhayaha ugu fiican, halyeeyga Talyaaniga iyo Juventus Gigi Buffon ayaa ku guuleystay isagoo helay 42.22 boqolkiiba, halka goolhayaha Real Madrid Keylor Navas oo kaalinta labaad soo galay uu 32.32 boqolkiiba, halka goolhayaha Bayern Munich uu helay 10.10 boqolkiiba.

Dhinaca kale, Olivier Giroud ayaa ku guuleystay abaalmarinta goolka sannadka isagoo helay 36.17 boqolkiiba codadka.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post