Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in dagaalka Al-Shabaab loo Midoobo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in musiibadii dhawaan ka dhacday Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ay maalin walba soo noq-noqon doonto hadaan la cirib tirin Al-Shabaab.

Madaxweynahu wuxuu xusay in ay jirto hal wado oo maanta u furun hogaanka Soomaaliya isla markana ay tahay in wixii siyaasad ah dib loo dhigo oo loo midoobo sidii Al-Shabaab loola dagaalami lahaa.

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hadii Siyaasada lagu kala aragti duwanaado aysan marnaba macquul ahayn in mustaqbalka laga quusto oo meel la iska dhigo dagaalka cadawgu uu umada ku hayo.

Dhamaan Masuuliyiinta Soomaalida ayuu Madaxweynahu ku booriyay in ay iska kaashadaan sidii Al-Shabaab dalka looga saari lahaa oo ay shacabka ku baraarujiyaan khatarta Al-Shabaab ay dalkan la damacsan yihiin.

“ Maalin walba ma dhaafi doono in aan maydka u tacsiyayno dhaawacana aan dawaysano oo aan xaaqno halkii shacabkeena lagu dhameeyay hadaynaan Al-shabaab dagaal dhab ah ku qaadin” ayuu yiri Madaxweynahu.

Bulshada ayuu ku booriyay in ay ogaadan in cadawgu uu iyaga beegsanayo oo aysan rabin Dowlad iyo dadka u shaqeeya oo kaliyah taas badalkeedana looga baahan yahay in shacabku ay Ciidamada garab istaagan.

—DHAMMAAD–

PUNTLAND POST